Wasiirka arrimaha gudaha oo amray in si dhow loola socdo isticmaalka wadooyinka

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’I ayaa abaanduulaha booliska Mr. Joseph Boinnet amar ku siiyay inuu xoojiyo kormeerka lagu sameynayo dhaqdhaqaaqyada iyo isticmaalka wadooyinka kala duwan ee wadanka si looga hor tago shilalka.
Inta badan waxaa xiliga ciidda Christmas qeybo kala duwan oo wadanka ka tirsan laga soo tabiyaa shilal galaafta noolosha shacab badan oo kenyaan ah.
Dr Matiang’i ayaa taliyaha guud ee booliska kula taliyay in isaga iyo ciidamada ka amar qaata ay sameyaan wax waliba oo karaankooda ah si shilal aynan u dhicin.
Wasiirka ayaa carrabka ku dhuftay in xita hadii ay dantu keento in bas rakaab sida xili habeen ah uu waaga ugu baryo saldhig boolis,w aa in la sameeya.
Hadalkan ayuu jeediyay xili uu si rasmi ah u furay munaasabad loogu dabbaaldegayay toddobaadka waaxda qaran ee adeegga booliska.
Muddo saddex maalmood ah ayaa loogu talagalay in la xoojiyo isdhexgalka ka dhexeya saraakiisha qaabilsan dhaqangelinta amarrada iyo dadweynaha ay u adeegaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *