WHO oo sheegtay in sannad kasta shilalka wadooyinka ay ku dhintaan 1.35 milyan oo qof

Hay’adda caafimaadka adduunka WHO ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dunida la doonayo inay la tacaasho shilalka wadooyinka ee sannad kasta galaafta noolosha 1.35 milyan oo qof.
Waxay tani micnaheedu tahay in 24-tii ilbiriqsi uu qof shil ku dhinto.
Agaasimaha WHO Tedros Adhanom ayaa bayaan uu soo saaray shaaca kaga qaaday in shiallka ay yihiin kuwo inta badan ay u dhintaan carruurta iyo da’ayarta u dhexeysa 5 sano ilaa 29.
Waxaa uu intaasi ku daray inaan qiil loo raadin karin sababta aanan tallaabo loo qaadin maadaama dhibaatadan ay tahay mid la xallin karo.
Warbixin ay WHO soo saartay sannadii 2013-kii ayaa kiisaska dhimasho ee sannad kasta ka dhasha shilalka lagu sheegay 1.25 milyan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *