(Dhagayso) Jubbaland Oo Aqbashay Dadaalada Uu Wado Aqalka Sare

Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa weli ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, iyaga oo halkaasi u tegay isku-soo dhaweynta Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.

Xubnaha labada Gole ee Jubbaland iyo Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Maamulkaas ayay wafdi la kulmeen,iyaga oo kala hadlayay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in dhowr shir oo la doonayay in lagu xaliyo khilaafkaas lagu guuldareystay,hayeeshee uu rajeynayo in haatan laga gudbi doono.

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *