Joyce Gwendo oo Lagu Xukumay 2 Sano Xarig ah kadib Markii ay Sameysay ku Takri fal Awoodeed

Maxkamada oo shalay ku ridday xukunka xariga ah ee labada sano  ah Senataraddii hore sida magacaabista ku soo gashay aqalka senatka Joy Gwendo ayaa arrintani ku tilmaantay mid ku saleysan siyaasad.

Maxkamada ayaa shalay oo jimco ahayd  ku ridday xukunka xariga ah ee labada sano.

Bishii October ee sanadii 2016-kii Mrs gwendo ayaa lagu eedeyay inay dhacday in kabadan 2 milyan oo shilin iyadoo adeegsanayso awoodeed xafiiseed.

Mrs Joyce Gwendo ayaa la sheegaya inay ku kacday khayaano iyadoo ka biya diiday inay qirato qaladaadkii ay geesatay mudadii ay xilka haysay.

Haweeneydan ayaa sidoo kale loo heestaa bixinta jeeg been abuur ah oo ku qornaa lacag qiimaheedu yahay 300,000 kun iyo jeeg kaloo been abuur ah oo uu ku qornaa lacag dhan 950,000 oo shilinka dalka.

Talaabadan ayaa kunoqotay mid fajaca ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *