Nuurdiin Xaaji oo Sheegay in Gacanta Lagu soo Dhigi doono Sarkaalada ku Kacay Falalka Musuqmaasuqa

Agaasimaha dacwad soo oogida dalka Nuurdiin Xaaji ayaa wacad ku maray in gacanta lagu soo dhigi doono sarkaalada lagu tuhmayo in ay ku kaceen falal musuqmaasuq ah kuwaasi uu ula jeedo sarkaalo ka  tirsan shirkada Kenya Pipeline.

Shalay ayay ahayd markii   xabsiga  loo taxaabay agaasimaha guud   ee shirkadda  dowlada u qaabilsan  qeybinta  shidaalka ee  Kenya Pipeline, Joe Sang iyo 20  sarkaal oo  kale ayaa maalinta isniinta maxkmada la soo taagi doono .

Saraakiisha kale ee la xiray ayaa kala ah xoghayaha  shirkadda   Gloria Khafafa,  madaxa  soo iibsashada  qalabka  Vincent Cheruiyot, maamulaha wax soo iibsiga  ,Nicholas Gitobu  iyo maareeyaha guud ee kaabayaasha  Billy Aseka.

Waxaa dhammaantood loo haystaa fadeexad  lagu lunsaday 9 bilyan oo shilin.

Tallaabada mas’uuliyiintan lagu xiray kadib ayuu xoghayaha  wasaaradda shidaalka ee dalka   Andrew Kamau shaaciyay in  xilkii uu hayay   Mr Sang uu si ku meel gaar ah  ula wareegayo   Mr Hudson Andambi .

Waaxda dambi baarista ee dalka ayaa sheegtay in sarkaaladaasi iyo mas’uuliyiin ka tirsan waaxda ceymiska caafimaadka ee dalka NHIF la soo taagi doono maxkamada si loogu soo oogo dacwad ka dhan ah  dambiyadii ay galeen

Mr Nuurdiin Xaaji ayaa sido kale  sheegay in la soo qaban doono sarkaalo kale oo ka tirsan waaxda ceymiska caafimaadka ee dalka NHIF.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *