Dad rayid ah oo duqeeymo lagu dilay dalka Afgaanistaan

Ugu yaraan siddeed caruur ah iyo 12 haween ah ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ka dhacday magaalada Kunar ee wadanka Afgaanistaan.
Dad badan ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen duqeyntaasi diyaaradeed sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan dalka Afgaanista.
Duqeynta ayaa la sheegay in lagu bartilmaamedsanayay xubo ka tirsan kooxda Taliban.
Qoraal ka soo baxay Taliban ayay ku sheegeen in dhamaan dadkii ku waxyeeloobay duqeyntaasi ay ahayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Bishi hore oo kaliya dad gaarayaa 100 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay duqeymo ka dhacay wadanka Afgaanistaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *