Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in loo diiday xildhibaano soo booqanaya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xili uu warbaahinta la hadlayay wuxuu sheegay inuu wali ku jiro go’doon,islamarkaana loo diidan yahay Xildhibaanada inay soo booqdaan hoyga uu degan yahay.
Gudoomiye Mursal ayaa Tilmaamay in xildhibaanada loo diidan yahay inay kasoo gudbaan Kontoroolada laga soo galo Hoteelka Shabeel oo dhawaan uu degay kadib markii uu ka guuray xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.
xukuumadda Soomaaliya ayuu u soo jeediyay inay ilaaliso Sharciga iyo kala dambeyntii, Maadaama uu sheegay in Caburin lagu haayo.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maalmo ka hor wuxuu ka guuray xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya, ka dib markii uu sheegay in xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo loo diiday inay soo galaan xarunta Madaxtooyadda ee xiligaas uu ku sugnaa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *