Gudoonka golaha shacabka Soomaaliya oo baaq loo diray.

Qaar kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya oo shalay kullan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu buray mooshinkii dhawaan laga keenay madaxweynaha Soomaaliya waxayna baaq u direen gudoonka golaha shacabka ee wali ay ka dhex jirto kala qaybsanaanta ka dhalatay Mooshinkaasi.
Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo kamid ahaa xildhibaanadii kulanka goob jooga ahaa ayaa sheegay inay aad muhiim u tahay inay heshiiyaan gudoonka golaha shacabka oo uu sheegay inuu qilaaf soo kala dhex galay si ay u sii socdaan kulamadii caadiga ahaa ee baarlamaanka Soomaaliyeed.
Xildhibaanka ayaa Tilmaamay in hadii ay heshiin waayaan gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo labadiisa ku xigeen ay xildhibaanadu ridi doonaan sida uu hadalkiisa u dhigay ayna dooran doonaan gudoon cusub oo horay u wadi kara howlaha baarlamaanka Horyaala.
Sidoo kale waxa uu xildhibaanka ugu baaqay xildhibaanada golaha shacabka inay gudi u saaraan dhibaatooyinka ka jira Baydhabo si ay usoo xaliyaan kadibna ay caadi ugu soo noqoto xaalada magaalada Baydhabo oo maalmihii la soo dhaafay ay shaqaaqooyin ka dhacayeen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *