Musalia Mudavadi ayaa madaxweyne Uhuru ku amaanay booqashadii uu ku tagay gobolka Nyanza

Hoggaamiyaha xisbiga (ANC) Musalia Mudavadi ayaa ku ammaanay safarka Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ee gobolka Nyanza,isagoona sheegay in tani ay u wanaagsantahay dalka.
Madaxweyne Kenyaatta ayaa maalmihii la soo dhaafay booqasho ku joogay gobolka Nyanza gaar ahaana ismaamulada Kisumu iyo Siaya.
Mr Kenyaatta ayaa intii uu ku sugnaa ismamaulka kisumu waxaa uu xariga ka jaray barnaamij caafimaad oo uu ugu talagalay in ay ka faa’idaystaan Kenyaanka.
Musalia Mudavadi hogaamiyaha xisbiga ANC ayaa sheegay in madaxweyne Uhuru uu ka shaqeeyay midnimada Kenyaanka ah.
Safarka madaxweyne Kenyaatta ayaa ku soo dhamaaday kadib markii isaga iyo hogaamiyaha mucaaradka NASA Raila Odinga shahaada sharaf lagu gudoonsiiyay jaamacadda Oginga Odinga.
Shahaadadaasi ayay ku qaateen kadib markii ay dajiyeen siyaasadii xumeyd ee uu dalka soo maray.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *