Musharaxiinta Koonfur Galbeed oo Maanta Khudbado jeedinayo.

Sida uu qorshuhu Qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta lagu waddaa inay Khudbad u jeediyaan xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi.
Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa maanta bilaabi doona inay dhageystaan Khudbad jeedinta Musharaxiinta xilli Muqdisho uu ku xiran yahay Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa Musharaxiinta koonfur Galbeed ee horay isku diwaangaliyay.
Waxaa lagu waddaa doorashadda madaxweynaha Koonfur Galbeed in ay dhacdo 19-ka Bishaan oo ku beegan maalinta arbacada ee nagu soo aadan.
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay sidoo kalena ah Caasimada KMG ee maamulka Koonfur Galbeed oo doorashada lagu qaban doono ayaa waxaa Wali ka taagantahay xiisad siyaasadeed iyo bananbaxayo rabsahada wata oo ka dhashahay xarigii musharax Rooboow oo maalmo ka hor la xiray isagoo Baydhabo ku sugan sidoo kalena loo sii qaaday magaalada muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *