Qof lagu dilay dagaal dib uga qarxay Narok

Waxaa mar kale iskudhacyo beelood ka soo cusboonaaday 3 goobood oo ku yaala ismamaulka Narok waxaana ku dhintay 1 qof halka 8 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen.
Waxaa dagaalkani inta uu socday dab la qabadsiiyay in ka badan 10 guri.
Gudoomiyaha u qaabilsan amaanka Narok George Natembeya ayaa sheegay in iskudhacyadani ay dib u bilaawdeen habeenki jimcada.
Dagaalkan ayaa sababay ka dib markii la dhacay neef lo’ ah.
Mr Natembeya aya sheegay in dadkii ku dhaawacmay dhacdadaasi la geeyay isbitaalka narok si looga dabiibo dhaawicii soo gaaray.
Bilihii la soo dhaafay waxa dagaalo ay dad badan ku nafwaayeen ay ka dhaceen ismamaulka Narok taasi oo salka ku heysa aano qabiil.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *