FA-ga ingiriiska oo ganaax lacageed dul dhigay kooxaha Arsenal iyo Tottenham

FA-ga dalka Ingiriiska ayaa Ganaax lacageed dhul dgigay kooxaha Arsenal iyo Tottenham oo kawada dhisan magaalada London, kaddib markii ay ciyaartoydoodu xakameyn waayeen.
Kulankii xiisaha iyo xamaasada badnaay ee 2-dii bishan Arsenal ka adkaatay kooxda Spurs ayaa ciyaartoyda labada kooxood is qabqabsi dhexmaray.
Dagaalka ciyaartoyda labada kooxood ayaa dhashay kaddib markii uu Eric Dier qeybta hore ee ciyaarta gool barbaraha, islamarkaana aamusiiyay taageerayaasha Arsenal isagoo farta afka saartay.
Ciyaartooyda kala ah Dele Alli, Hector Bellerin, Shkodran Mustafi iyo Dier ayaa si la yaqaano isugu boolo xoofteeyay iyagoo shafka gacanta iska saaray.
Bayaan ka soo baxay xiriirka FA-ga Ingiriiska ayaa lagu xaqiijiyay in Arsenal lagu ganaaxay adduun lacageed oo dhan 50,000 oo bound halka Tottenham lagu ganaaxay 45,000 bound maadaama ay xakameyn waayeen ciyaartoydooda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *