RASMI: Barcelona oo la soo wareegtay Jeison Murillo

Kooxda Barcelona ayaa la soo wareegtay Daafaca reer Colombia ee kooxda Valencia Jeison Murillo.
Barcelona ayaa laacibkan kula soo wareegtay qaab amah ah, waxayna leedahay dooq ay si rasmi ah ugu iibsani karto marka uu dhamaado xagaaga 25-milyan oo euro.
Talaabadan ay qaaday Barca ayaa ku soo aadeysay xili uu dhaawaca kaga maqanyahay daafacooda birta ah ee Samuel Umtiti.
Murillo ayaa ayaa markii hore Valencia ugu soo biiray qaab amaah, iyadoo markii dambe kula wareegtay lacag dhan 13 milayn oo euro.
Inkastoo daafacan uu wacdaro dhigay bilooyinkii ugu horreeyay ee La Liga ayaa misane wuxuu saddex bilood ku maqnaa dhaawac dhanka mindhiciraha caloosha ah.
Jeison Murillo ayaa ku soo biiritaankiisi kooxda Barcelona kadib sheegay inay u rumoowday riyadii yaraantiisa, isagoona sii raaciyay inuu yahay nin caqli badan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *