HORDHAC: Kulanka Brighton iyo Arsenal ee caawa.

Arsenal ayaa caawa u safreysa kullankooda ugu horreeya Boxing Day kooxda Brighton cayaaraha 19-aad ee bartamaha asbuucan.
Gunners ayaa dib ugu soo laabtay wadada guusha kulankii u dambeyay kaddib laba cayaar xariira oo ay guul la’aan ahaayeen dhammaan tartamada.
Ogeysiiska Cayaarta
Tartanka: Premier League
Waqtiga: 08:15 pm ( SGA )
Garsooraha: Anthony Taylor
Garoonka: Falmer Stadium
Waxaa Arsenal kamaqan kulankan Laacibka qadka dhexe Henrikh Mkhitaryan, halka Nacho Monreal iyo Shkodran Mustafi shaki la galinaayo inay ciyaaraan kulanka caawa.
Sidoo kale Arsenal waxaa ka maqan Hector Bellerin, Danny Welbeck, Rob Holding, Konstantinos Mavropanos iyo Emile Smith Rowe.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *