Messi oo ka hadlay xifaaltanak kala dhexeeya Ronaldo iyo sababt uusan ugu guuleysan abaalmarinta Ballon d’Or.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa wareysi uu siiyay wargeyska “Marca” ee ka soo baxa dalka Spain ayaa ka hadlay waxyaaba badan oo muhiim ah.
Wargeyskan oo caan ka ah qaarada Yurub ayaa daabacay wareysigii uu siiyay Lionel Messi oo dhinacya badan taabanaayo.
Messi oo ayaa ugu horeyn ka hadlay muuhiimada ay noolshiisa u leedahay kubada cagta ayaa wuxuu yiri:
“Waan jeclahay kubada cagta, balse wax wax walba waxaa igaaga muhiimsan qoyskeyga”.
Sidoo kale Messi ayaa ka hadlay loolanka kala dhaxeeya xidiga reer Portugal iyo kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo.
“Tartanka Cristiano Ronaldo wuxuu ahaa mid caafimaad qaba ee aad qurux badan”.
Laacibkan ayaa wax laga weydiyay sababta uusan sanadkan ugu guuleysan abaalmarinta Ballon d’Or, wuxuuna yiri waan ogaa inaan ku jirin musharaxiinta abaalmarinta.
Lionel Messi ayaa xili ciyaareedkan ku bilaawday wacdaro isagoona hogaaminaya gool dhalinta Laligaha iyo Champion League.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *