Xiliga Samuel Umtiti uu garoomada ku soo laabanaaya oo la ogaaday.

Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa in Samuel Umtiti uu dagaal xoogan ugu jiro sidii uu ku ciyaari lahaa kulanka kooxdiisa ay la ciyaareyso kooxda Lyon wareega 16-ka ee tartanka Champions League.
Umtiti ayaa la sii qorsheeyay inuu garoomada dib ugu soo laaban doono 19-ka bishan soo aadan ee February.
Laacibkan wata dhalashada reer France ayaa la dagaalamaya wakhtiga si kaga soo hor muuqda kooxdiisi hore ee Lyon.
Sidoo kale waxaa la rajeynaya in daafacan birta ah uu ka soo kabsado dhaawac ka soo gaaray jilibka lugta bidix.
Samuel Umtiti ayaa lagu wadaa inuu tababarka Barcelona ku soo laabta 30-ka bishan December.
Marka uu tababarka kooxdiisa ku soo laabta ayaa wuxuu u baahanyahay laba isbuuc oo kale si qiimeyn loogu sameeyo inuu ciyaari karo iyo inkale.
Baaritaanadii uu maray Axadii lasoo dhaafay ayaa waxay muujiyeen in xaalada Jiblibkiisa ay haatan ka wanaagsan tahay sidii hore, iyadoo haatan uusan qabin wax xanuun ah, balse uu wali uu u baahan yahay in uu si xoogan kaga soo kabto dhaawaca.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *