Taliska ciidanka Xoogga Dalk Soomaaliya oo isbadakl ku sameeyay hogaanka ciidanka qaarkood.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa isbeddal ku sameeyay Saraakiisha Talisyada qeybaha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Gobollada Dalka Soomaaliya.
General Daahir Aadan Cilmi, ayaa S/guuto Tawane Axmed Maxamed, u Magacaabay Taliyaha Qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.
Abbaanduulaha Qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa loo Magacaabay ,G/sare , C/salaam Aaden Axmed.
Waxaa sidoo kale wareegtada kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilalka looga qaaday Taliyeyaasha qeybaha 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka qeybta 60-aad, qeybta 21-aad iyo qeybta 54-aad ee dhamaantood ka wada tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.
Wareegtadan ayaa sidoo kale waxaa lagu Magacabay Taliyeyaasha qeybaha 27-aad 60-aad, 21-aad iyo 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Abbaanduulihii qaybta 12 April ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jen. Cabdi Cali Jamaame iyo Taliyihii isla qaybtaasi 12 April ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jen. Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere ayaa 6-dii bishaan aan ku guda jirno waxaa lagu dilay qarax miino oo ka dhacay gobolka shabeelada hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya.
Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiishaan iyo askar kale oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa qarax miino lagula eegtay meel ku dhaw deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana qaraxaasi ku dhintay Taliskii iyo Abbanduulihii qaybta 12-April ee ciidanka xoogga Soomaaliya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *