DHAGEYSO:Maamulka Jubaland oo ka hadlay cabasho ka soo yeertay gaadiidleyda.

Kadib markii Maalmihii la soo dhaafay ay Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka taagneyd cabasho ka timid Gaadiidleyda gobolka oo ka cabanayay qiimaha shidaalka oo sare u kacay, ayaa waxaa arintaasi ka hadlay maamulka Jubaland.
Qaar ka mid ah Gaadiidleyda ka howlgasha magaalada Kismaanyo ayaa banaanbax dhigay waxayna maamulkaJuballand ka codsadeen inay wax qabtaan sare u kaca ku yimid qiimaha Shidaalka lagu kala iibsado.
Wasiirka Ganacsiga ee maamulka Jubbaland oo ka hadlayay cabashada Gaadiidleyda ayaa sheegay in Wasaarada uu hogaaminayo ay diyaarisay guddi arrintaasi dabagal ku sameeya,isla markaana lago ogaanayo waxa sababay qiima kororka ku yimid Shidaalka lagu kala iibsado gudaha Magalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubaland.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *