Dowladda oo ku dadaaleysa in macalimiinta aynan shaqa joojin sameynin

Waxaa berri oo sabti ah la filaya in guddi ka kooban toddobo xubnood oo uu soo magacaabay wasiirka wasaaradda shaqaalaha Mr. Ukur Yatani uu kulan la qaato guddiga fulinta ee ururka qaran ee macalimiinta dalka ee KNUT.
Labada dhinac ayaa ka wada hadli doono sidii looga hor tagi karo ka dhabeynta shaqa joojin macalimiinta dalk ay ku goodiyeen welina ku adkeysanayaan inay ku dhaqaaqi doonaan 2-da bisha koowaad ee sannadka cusub.
Hanjabaadda barayaasha ee shaqa joojinta ayaa keentay in dowladda ay dib u dhigto taarikhdii la furi lahaa dugsiyada oo hadda laga dhigay saddexda bisha jannaayo ee 2019-ka.
Wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada Mr. Ukur Yatani ayaa bayaan uu soo saaray madaxda KNUT ka codsaday inay fursad siiyaan wada hadalada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *