Ramos oo ku hanjabay inuu ka tagaayo Real Madrid hadii kooxda la keeno Jose Mourinho

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ku hanjabay inuu isaga tagaayo kooxdaasi hadii uu Jose Mourinho markale ku soo laabta kooxda Real Madrid dhamaadka xili ciyaareedkan.
Macalinkii hore ee Manchester United ee Mourinho ayay wararku sheegaayeen inuu dib ugu soo laaban doono real Madrid si uu u badal ugu noqdo Santiago Solari.
Manchseter United ayaa 9-gaal cisho ka hor go’aanstay in Jose Mourinho shaqada ka ceyriso madaama kooxda ay la kulmeen natijooyin xun.
Jose Mourinho ayaa garoonka Old Trafford ku sugnaa muda dhan saddex sano ka hor inta aan la fiijinin.
Wargeyska “Mundio Deportivo” ayaa sheegay in hadii ay Real Madrid shaqaaleysiiso Jose Mourinho, ay waayi doonto kabtankooda Sergio Ramos, waana caqabad xun oo ay wajihi doonta kooxda Real Madrid.
Xiriirka ka dhaxeeyay Ramos iyo Mourinho ayaa burburay burburay ka hor inta uusan ka tagin Real Madrid sanadkii 2013.
Sergio Ramos ayaa maalmo kahor si cad u sheegay in kooxdiisa Real Madrid aysan u baahneyn tababare kale oo cusub oo la keeno.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *