Dhalinyaro dalbaday in loo cadaalad falo hooyo lagu dilay Mandhera

Koox dhalinyaro ah ayaa dalbaday in xabsiga loo taxaabo sarkaal boolis ah oo ay ku eedeyeen inuu toogasho ku dilay hooyo 65 sano jir ah.
Waxay wararku sheegayaan in Cabdia Cumar la toogtay xili sarakiisha ay howlgalo ka fulinayeen gurigeeda.
Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda Nuurdiin Xaaji ayay baaq u direen iyagoo ka codsaday inuu dardargeliyo baaritaanada socda.
Waxay sheegeen inay doonayaan in la soo afjaro dilalka sharci darrada ah ee la fuliyo , qoyskii ay Cabdia ka baxdayna ay cadaalad helaan
Dhanka kale maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee IPOA ayaa dhankiisa sheegay inuu soo gabagabeeyay baaritaanada la xariira dilkaasi si loo sameeyo dib u eegis kama dambeys ah ka hor inta aanan kiiskan lagu wareejin Nuurdiin xaaji.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *