Maxkamadda sare oo hakisay in dacwad lagu soo oogo qareenka Tom

Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay amar ay ku hakineyso in dacwad lagu soo oogo mid ka mid ah garyaqaanada sar sare ee dalka Tom Ojienda.
Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kadib markii uu gudbiyay dacwad uu uga soo horjeedo maxkamadeyntiisa.
Waxaa uu ka soo hormuuqday garsoore Chacha Mwita oo sheegay in la doonayo in la isla meel dhigo arrimo dastuurka ku saabsan ka hor inta aanan tallaabo kale la qaadin.
Qareenkan oo la xiray galinkii dambe ee jimcada ayaa shalay xabsiga booliska ee xaafadda Muthaiga ee magaaladatani Nairobi laga soo siidaayay .
Garyaqaankan ayaa lagu eedeyay inuu khiyaanay shirkadda sonkorta soo saarta ee Mumias.
Tallaabada lagu soo daayay ayaa timid kadib markii shalay ururka ay ku mideysanyihiin qareenada dalka ee LSK uu walaac ka muujiyay eedeysanayaasha gacanta lagu dhigo jimcada oo ay dantu ku khasabto inay laba maalmood xabsiga ku jiraan ka hor inta aanan isniinta maxkamad la soo taagin.
Madaxa LSK Allen Gichuhi ayaa sheegay inay maxkamadda geyn doonaan dacwad ay uga soo horjeedaan in qof la eedeyay la xiro galinka dambe ee jimcada aha sabtida.
Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa sheegay in qareenka la siiyay lacag dhan 89 milyan oo shilin si uu u matalo shirkadda Sonkorta ee Mumias.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *