Xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo aas qaran loo sameeyay.

Qaar ka mid ah Masuuliyiinta ugu saraysa dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa saakay ka qeyb galay Salaada Janaasada ee Marxuum Xildhibaan Axmed Mayoow Cabdulle oo loo yaqaanay (Korneel Ruush) kaasoo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Salaada Janaasada oo marxuumka lagula dukaday Masjidul Shuhadaa ee ku yaalla gudaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre,gudoomiyaha golaha shacbiga Maxamed Mursal Sh C/raxmaan, xildhibaanada labada golle ee Baarlamaanka, wasiiro, ehelka Marxuumka iyo masuuliyiin ka socday hay’addaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.
Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal sh C/raxmaan ayaa sheegay in Marxuumka uu ahaa Shaqsi afgaaban oo mar walbo cibaadada Alle ku dadaala, naxariis badan dadkana caawiya, ku weyn tahay Soomaalinimada, jeclaa hormarinta dowladnimada, midnimada iyo dib u heshiisiinta umada Soomaaliyeed.
Alle ha u naxariistee Xildhibaan Korneel Ruush waxa uu ka mid ahaa baarlamaanka 10-aad ee hada shaqeeyo gaar ahaan golaha shacabka, waxaa laga soo doortay deegaanada maamulka koofur galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu xubin ka ahaa guddiga dastuurka ee labada golle ee Baarlamaanka wuxuuna qayb ka soo noqday baarlamaankii sagaalaad ee Soomaaliya.
Shalay galinkii danbe ayuu ku geeriyooday magaalada Muqdisho gaar ahaan isbitaalka Erdogan ex Digfeer oo loola cararay kadib markii Sida la sheegay uu Xildhibaanka wadnaha istaagay.
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col Ruush) iyo Xildhibaan Kheyre Maxamed Axmed oo ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur galbeed oo shalay ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho.
Dhanka kale,Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tacsi u diray Ehalada iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col Ruush),wuxuuna Alle uga baryay inuu janadiisa ka waraabiyo,ehaladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan Alle haka siiyo.
Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre,ayaa ku tilmaamay inuu marxuum Axmed Mayow Abdulle uu ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka,islamarkaana shaqo badan u soo qabtay dalkiisa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *