Agaasimaha dacwad soo oogidda oo codsi u gudbiyay madaxa cadaaladda

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa madaxa cadaaladda ee dalka David Maraga ka codsaday inuu tallaabo qaado kadib markii maxkamadda sare ee dalka ay soo saartay amar lagu hakinayo dacwadaha ka dhanka ah qareenka lagu magacaabo Prof. Tom Ojienda.
Ojienda ayaa lagu eedeyay inuu si aanan habboonayn lacago uga qaadatay shirkadda sonkorta soo saarta ee Mumias ee galbeedka dalka.
Waxaa xabsiga loo taxaabay galinkii dambe ee jimcihii in kastoo axadda la soo siidaayay kadibna shalay maxkamadda la soo taagay.
Garyaqaankan ayaa ku doodaya in dacwadda ka dhanka ah ay tahay mid lagu bartilmaameedsanayo.
Nuurdiin Xaaji ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in amarka maxkamadda iyo kuwa la midka ah ay caqabad ku noqonayaan gudashada waajibaadka waaxyaha dacwad soo oogidda iyo dembi baarista.
Dhanka kale maxkamadda ayaa min 200,000 oo shilin oo damiin lacageed ah ku siidaysay 14 eedeysanayaal ah oo loo haysto inaynan bixin cashuur tani oo ay dowladda uga luntay lacag dhan 64 milyan oo shillin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *