In ka badan 9 qof oo baabuur lagu jiirsiiyay Tokyo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Tokyo ee dalka Japan ayaa sheegaya in ugu yaraan 9 qof ay dhaawacmeen kadib markii baabuur si xowli ah loo waday uu gudaha u galay goob loogu dabaaldegayay sannadka cusub ee 2019-ka.
Dadka dhaawacmay mid ka mid ah ayay xaaladiisu aad u liidataa.
Afhayeenka u hadlay booliska magaaladaasi ayaa dhacdadan ku tilmaamay weerar argagixiso.
In kastoo uunan faahfaahin dheeraad ah bixin haddana waxaa uu carrabka ku dhuftay in gacanta lagu dhigay eedeysane ay da’diisu u dhexeyso 20 ilaa iyo 30 sano.
Magaca darawalka la qabtay ayuu ku sheegay Kazuhiro Kusakabe.
Falkan ayaa wax yar un kadib saxdii dhexe ee habeenimo ee wakhtiga dalkaasi Japan ka dhacay goob si weyn loogu dalxiis tago oo lagu magacaabo Harajuku una dhow macbadka Meiji Shrine ee bartamaha Tokyo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *