Macalimiinta dalka oo ku adkeysanaya inay shaqa joojin ku dhaqaqayaan

In kastoo shalay maxkamadda ay soo saartay amar lagu hor istaagayo shaqa joojinta ay macalimiinta sheegeen inay sameynayaan marka dugsiyada dib loo furo, haddana mas’uuliyiinta ururka qaran ee KNUT ayaa sheegaya inay ka dhabeynayaan digniintii ay horay u soo saareen.
Galinkii dambe ee shalay ayay ahayd markii uu qabsoomay kulan la doonayay in lagu xalliyo shaqa joojinta qorsheynsan hasa ahaate mira dhal ma noqon.
Ururka KNUT ayaa ku adkeysanaya inay khasab tahay in guddiga adeegga macalimiinta ee TSC uu ka laabto tallaabada uu in ka badan 3000 oo maamulayaal ah uga wareejinayo dugsiyada ay ka howlgalaan.
Waxaa kulan yeeshay saraakiil ka tirsan guddiga adeegga macalimiinta ee TSC , xubnaha KNUT iyo guddi ay wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada u xilsaartay inuu labada dhinac kala dhexdhexaadiyo.
Hasa ahaate xoghayaha guud ee ururka qaran ee macalimiinta ee KNUT ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku galay Mr. Wilson Sossion ayaa sheegay in kulanka ay ka maqnayeen xubnaha maamulka sare ee TSC.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay inay ka go’antahay in isbedel ballaaran lagu sameeyo waxbarashada dalka balse guddiga TSC ay ku eedeynayaan inuunan daacad ka ahayn wax ka qabashada arrimaha ay macalimiinta dalbanayaan oo ay ugu horeyaan inaan lagu sii tallaaba qaadin wareejinta sido kalena barayaasha la dallacsiiyo.
Mr. Sossion ayaa macalimiinta lagu amray inay iska xaadiriyaan xarumo kale oo la geeyay ku booriyay inay amarkaasi iska dhaga tiraan maadaama sida uu hadalka u dhigay uu ilaalinayo amarka maxkamadeed ee shalay soo baxay.
Xoghayaha ayaa intaasi ku daray inay akhriyeen qoraalka maxkamadda oo uu muujinayo in mudnaanta koowaad la saaro wada hadalka iyo heshiiska.
Wasiirka wasaaradda shaqaalaha ee dalka Mr. Ukur Yattani ayaa shaqa joojinta ay macalimiinya ku hanjabeen ku tilmaamay mid sharci darro ah.
Mr. Sossion ayaa dhankiisa sheegaya inay tallaabada u qorsheysan sharci tahay isagoo guddiga TSC ku eedeyay inuu caqabad ku noqday xal u helidda arrimaha la kala tabanayo.
Kenyaanka ayuu u sheegay inay ururada macalimiinta u taaganyihiin sidii lagu heli lahaa waxbarasho taya leh.
Maalinka berri ah ayaa la filaya inay maxkamadda dhageysato dacwad arrinkan la xariira.
Haddaba waa sidee mustaqbalka waxbarashada caruurta isku diyaarinaya in dugsiyada dib loo furo maalinka khamiista ee 3-da bishan jannaayo ,waxaa xaaladda iyo isqabqabsiga jira daqiiqado ka hor ka hadlay Mr. Wilson Sossion oo ah xoghayaha ururka qaran ee KNUT.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *