Madaxweynaha oo saxiixay 7 sharci oo uu ka mid yahay midka NYS

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa qalinka ku duugay hindise sharciyeed la doonayo in lagu wanaajiyo adeegyada waaxda qaran ee adeegga dhalinyarada ee NYS oo uu musuqmaasuq hareeyay.
Mr. Kenyatta ayaa sido kale saxiixay 6 sharci oo dheeraad ah kadib markii loogu geeyay madaxtiiyada yar ee ku taallo ismaamulka Mombasa.
Sharcigan NYS ayaa dhigaya in waaxdan ay sameyn karto howlo ganacsi.
Wasiiradda wasaaradda adeegga dadweynaha, dhalinyarada iyo jinsiyadda Prof. Margaret Kobia ayaa mid taarikhi ah ku tilmaantay tallaabada uu madaxweynaha qalinka ugu duugay sharcigan.
Waxay sheegtay in lunsashada lacagaha dadweynaha ay noqon doonto mid laga gudbo oo la iska hilmaamo.
Sido kale wasiiradda ayaa carrabka ku dhufatay in sharcigan uu xoojin doono nidaamyada la xariira soo iibsashada qalabka maadaama uu jirayo guddi ka kooban 12 xubnood oo kormeer ku sameynaya arrimaha maamulka iyto gudashada waajibaadka.
Sido kale waxaa jiraya sarkaal u xilsaaran dhanka hanti dhowrka si dabagal loogu sameeyo adeegsiga hantida dowladda.
Madaxweynaha ayaa sido kale saxiixay hindisa sharciyeedyada la xariira saraakiisha baaritaanada ku sameeyay dhulalka dhismooyinka laga dhiso, shirkadaha loo yaqaano, suuqyada saamiga ,isbedel lagu sameeyay dakhliga loo qoondeeyo ismaamulada iyo kuwo kale.
Sharciyadan ayaa waxaa madaxweynaha u gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka dalka Mr. Justin Muturi iyo dhigiisa aqalka sare Mr.Kenneth Lusaka.
Waxaa sido kale goob joog u ahaa xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mr. Paul Kihara, karaaniga baarlamaanka Mr.Michael Sialai iyo dhigiisa senete-ka Mr. Jeremiah Nyegenye.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *