Madaxweynaha suudaan oo sheegay in doorasho xor ah ay dhaceyso

Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa ballanqaaday inuu xallinayo dhibaatada dhaqaale ee ka taagan dalkiisa.
Hadalka mas’uulka ugu sarreeya ee wadankaasi ayaa imanaya dibadbaxyo saameeyay magaalooyin badan labadii toddobaad ee la soo dhaafay.
Dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa dalbanaya inuu iscasilo Cumar Xassan Al-Bashir oo madaxweyne ahaa kud hawaad 30 sano.
Waxay muujinayaan sida ay uga xunyihiin sicir bararka ku yimid qiimaha shidaalka iyo rootiga.
Madaxweyne Al Bashiir oo khudbad ka jeedinayay telefishinka qaranka ayaa sheegay in Suudaan sannadka 2020-ka ay ka dhici doonto doorasho xor ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *