Shiinaha oo sameynaya isbedelo dhaqaale

Madaxweynaha wadanka Shiinaha Mr. Xi Jinping ayaa sheegay inay sannadkan sii wadayaan isbedelada dhaqaale ee howlaha ganacsi loogu furayo caalamka.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in sannadkii dhamaaday ee 2018-kii, ay u dabaaldageen sannadguuradii 40-aad ee ka soo wareegatay markii lagu tallaaba qaaday hannaan dhaqaale oo loo wada dhanyahay dunida kalena ay ka faaiidday.
Khudbad qaran oo uu jeediyay oo laga baahinayay warbaahinta dalkaasi ayuu ku sheegay in isbedelada la sameeyay uunan wax kahad ah ku imaan doonin.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in uu sii furmayo albaabka dhaqaale si saaxiibbo hor leh loo soo dhaweeyo oo ay maalgashi u sameyaan.
Dhanka kale Shiinaha ayaa sannadkan maanta billowday ee 2019 –ka u dabaal degaya sannadguuradii 70-aad ee ka soo wareegatay xiligii uu qaran noqday.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *