Taalibaan oo weerar ku dishay ugu yaraan 23 ka mid ah ciidamada Afghanistan

Ciidamada ammaanka ee dalka Afghanistan ayaa sheegay in weerar ay ku soo qaadady kooxda Taalibaan ay ku dhinteen in ugu yaraan 23 kamid ah saraakiisha halka ugu yaraan 25 kalena ay dhaawacmeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka oo socday in ka badan toddobo saacadood uu bilowday 7-dii fiidnimo ee xalay ee saacadda dalkaasi .
Waxaa uu ka dhacay bar kontorool oo ku taallo bartamaha degmada Sayyad ee gobolka Sar-e-Pul.
Toban maalmood ka hor ayay ahayd markii hoggaamiyaha wadanka Afghanistan Ashraf Ghani uu soo magacaabay wasiirka cusub ee wasaaradda gaashaandhigga si dagaalyahaanada Taalibaan looga adkaado.
Afhayeenka Taalibaan ,Qari Yuusuf Axmadi ayaa xaqiijiyay inay weerarkaasi fuliyeen.
Talaadadii la soo dhaafay ayay ahayd markii kooxda Taalibaan ay weerar ku dishay ugu yaraan 12 ka mid ah saraakiisha amniga ee Afghanistan oo ku kala sugnaa gobolada Faryab iyo Nangarhar
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo kooxdan ay diiday inay bishan gudaheeda wada hadalo toos ah oo ka dhacaya Sacuudi carabiya ay la yeelato dowladda dalkaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *