Australia oo xireyso qaar kamid ah xarumaha ay ku jiraan muhaajiriinta

Dowladda Australia ayaa sheegtay inay albaabada isugu dhufan doonto qaar kamid ah xarumaha lagu sii hayo dadka muhaajiriinta ee wadankaasi sida sharci darrada ah ku galo ka hor inta aanan la qaabilin.
Labo ka mid ah sagaalka xarumood ee lagu xiro dadka muhaajiriinta ah ee dalka Australia ayaa albaabada loo laabayaa.
Dowladda wadankaasi ayaa tallaabadan ku sheegtay inay caddeyn u tahay sida ay uga go’an tahay in xudduudaha dalkaasi ay adkeyso.
Xarumahaasi ayaa lagu tilmaamay kuwo aanan loo baahnayn sababtoo ah siyaasadda iyo sharciyada dowladda ayaa hakiyay dadkii tirada badnaa ee dalkaasi magan-gelyada u soo raadsanayay.
Tan iyo sanadkii 2013-kii, ciidanka ilaalada badda ee Australia ayaa dib u celiyay doomo ay saarnaayeen muhaajiriin badan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *