Cesc Fabregas oo todobaadkan dhameysiraya ku biirista kooxda mnoco.

Todobaadka soo socda ayaa lagu wadaa in la dhammeystiro heshiiska uu Cesc Fabregas ugu biiraayo kooxda Manoco ee dalka france.
Ciyaaryahankii hore ee Arsenal iyo Barcelona ayaa boos joogta ah ka waayay blues tan iyo markii shaqada kooxdaasi uu la wareegay Maurizio Sarri.
Fabregas ayaa dhibaata kala kulmay inuu ka dhex helo boos N’Golo Kante, Mateo Kovacic iyo Jorginho.
L’Equipe ayaa ku warantay in Cesc uu ku biiri doono kooxda mnoco.
Laacibkan ayaa kula kulmi doona kooxda mnoco Thierry Henry oo tababara u ah kooxdaasi, oo ay Arsenal horey ugawada tirsanaayeen.
Henry ayaa xilka tababaranimo ee kooxda mnoco qabtay bishii Oktoobar isagoona u saxiixay qandaraas saddex sano ah.
Gary Cahill ayaa isna ay u badantahay inuu ka tago kooxda Chelsea.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *