Gudiga doorashooyinka Puntland oo lagu dhawaaqay.

Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxaa ka socda diyaar-garowgii ugu danbeeyay ee ku aadan doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi.
Amaanka magaalada Garowr ayaa aad loo adkeeyay, waxaana halkaas ku sugan siyaasiin Murashaxiin ah oo ka badan 30 qof, kuwaasoo dhamaantood doonaya inay loolan u galaan xilka ugus areeya maamulka Puntland.
Maanta ama bari oo khamiis ah ayaa la qorsheeyay in Baarlamaanka Puntland ay doortaan Guddoonka Baarlamaanka, sidoo kale waxaa isla maanta lagu dhawaaqay Guddiga doorashada Madaxweynaha Puntland.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goob joog ka noqon doona doorashada maamulka Puntland kuwaasoo kulamo kala duwan la leh waxgaradka iyo siyaasiyiinta deegaanka.
Todobo xubnood oo noqonaya gudiga doorashada ee maamulka Puntland ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Xildhibaanada loogu tala kalay inay maareeyeen doorashada madaxweyna Puntland ayaa kala ah Xildhibaan Ismaaciil cabdi Abtiile oo loo doortay gudoomiyah gudiga doorashada Puntland,waxaana gudigaas xubno ka ah xildhibaan Cali Axmed Saalax,xildhibaan C/risaaq Xassan Ciise,Xildhibaan Axmed Jaamac Diiriye,xildhibaan Fu’aad Abshir Axmed,xildhibaan Cawil Xassan Daad iyo xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *