Koox hubeysan oo wadanka Mali ku dishay 33 qof

33 ka mid ah xoola dhaqatada qowmiyadda Fulani ee dalka Mali ayaa lagu soo warramayaa inay dileen ugaarsato ka tirsan bulshada Dogon.
Weerarkan ayaa galinkii dambe ee shalay ka dhacay bartamaha Mali wuxuuna noqonaya midkii ugu dambeeyay ee dhexmara laba dhinac ee ay dirirtu u dhexeyso.
Ilo wareedyo ka tirsan laamaha ammaanka ee Mali ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in dadka la dilay ay dhammaantood shacab yihiin halka kuwo kalena la dhaawacay iyadoo guriyo badana la gubay.
Xildhibaan lagu magacaabo Karim Keita ahna guddoomiyaha guddiga difaaca ee baarlamaanka Mali ayaa sheegay in dhibatadaasi laga geystay tuulada Khoul Hogo Peul .
Baaritaano ay sameysay qaramada midoobay ayaa dhanka kale lagu ogaaday in bishii lixaad ee sannadkii hore la dilay 24 ka mid ah qowmiyadda Fulani .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *