Weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay London

Hal nin ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inuu ku dhintay weerar ka dhacay magaalada London ee ingiriiska kaasi oo mindi loo adeegsaday.
Saddex qof oo kale oo mid ka mid ah ay haweeney tahay ayaa lagu dhaawacay dhacdadaasi oo laga soo tabiyay deegaanka Park Lane.
Sidoo kale haweeney ayaa lagu toogtay goob lagu caweeyo oo ku taallo Hackney halka mid kale si xun loogu toorriyeeyay Southwark.
Booliska ayaa sheegay in ninka lagu dilay Park Lane uu ahaa nin ka shaqeeya arrimaha amniga ee goobtaasi.
Dadka weerarradan ku dhaawacmay ayaa dhamaantood lagu daweeyay goobta lagu weeraray, ka hor inta aanan loola cararin isbitaallada.
Ciidamada ammaanka ayaa wada baaritaanno ka dhan ah weerarradani.
Booliska ayaa soo xiray nin da’diisu lagu sheegay 34 sano jir, kaa oo lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay dilka haweeneydaas waxaana eedeysanaha hadda lagu haayaa saldhig boolis oo ku yaal koonfurta magaalada London.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *