Ciidamo cusub oo lagu wareejinayo amniga Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in la diyaariyay ciidamo fara badan oo ka tirsan booliska Soomaaliya, kuwaasoo lagu wareejin doonto Amaanka magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Ciidamadaan ayaa la sheegay inay tiradooda gaarayso ku dhawaad kun Askari, kuwaasi oo hada loo diyaariyay qorshaha ay ku shaqeyn doonaan.
Bashiir Cabdi Maxamed Taliyaha ciidanka Booliska soomaaliya ayaa sheegay in dhawaan ciidamada Booliska lagu wareejin doono amaanka Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya C/Raxmaan Cumar Cusmaan ENG Yariisow ayaa isna sheegay inuu soo dhaweynayo ciidamada booliska ee la diyaariyay, islamarkaana looga tala galay ka hortaga falalka amni darada ah ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.
Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii magaalada Muqdisho ammaan buux loogu soo dabaali lahaa mudadii ay dowladaan jirtayna dhowr mar ayaa la badalay ciidamadii u xil saarnaa ammniga caasimada ayadoo walina ay magaalada ka dhacaan mararka qaar weeraro iyo Dilal qorshaysan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *