Dowladda oo maanta soo bandhigi doonto manhajka cusub ee waxbarashada

Wasaaradda tacliinta ee dalka ayaa maanta lagu wadaa inay xariga ka jarto nidaamka cusub ee waxbarashada ee 2-6-3-3-3 oo la doonayo in lagu bedelo midka 8-4-4.
Wasiiradda waxbarashada ee dalka Amina Maxamad ayaa sheegtay in la soo bandhigayo nidaamkan oo la rumeysanyahay inuu xooggaa saarayo in ardayda laga soo dhiso dhanka xirfadaha .
Dowladda Kenya ayaa ku dadaaleysa inay ka gudubto nidamka tacliinta ee la adeegsanayay tan iyo sannadii 1985-tii oo lagu dhaliilay inuu ardayda u horseeday inay ku dadalaan sidii ay ugu guuleysan lahayeen imtixaanada qaran ee shahaadiga ah.
Amina Maxamad ayaa ku nuuxnuuxsatay in dowladda ay diyaar u tahay soo bandhigidda manhajka cusub ee waxbarashada.
Waxay intaasi ku dartay in buugaagta laga qaadanayo casharada nidaamkan ku qotoma loo qeybin doono dhammaan dugsiyada dowladda.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu kenyaanka ka raali geliyay jahawareer ku saabsan nidaamka waxbarashdo oo soo foodsaaray wasaaradda waxbarashada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *