Dugsiyada dalka oo maanta dib loo furay

Waxaa maanta dib loo furay dugsiyada dalka si ardayda ay u qaataan casharada loogu talagalay ee xilli dugsiyeedka koowaad ee sannadka 2019-ka.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in xarumaha waxbarasho la furo 2-dii bishan oo shalay ahayd ka hor inta aanan dib loo dhigin.
Wararka naga soo gaaraya degaanada kala duwan ee dalka ayaa sheegay in dugsiyada qaar aynan si buuxda isaga xaadirinin dhammaan macalimiintii ka shaqeynayay iyo ardaydii dhiganayay.
Wasiiradda wasaaradda waxbarashada ee dalka Amina Maxamad ayaa shacabka , waalidiinta iyo ardayda u xaqiijisay in maanta ay dib u furmayaan dhammaan dugsiyada dalka in kastoo xubnaha ururka qaran ee macalimiinta ee KNUT ay horay ugu hanjabeen shaqa joojin ay ku dhaqaqayaan.
Maxkamadda shaqaalaha ayaa galinkii dambe ee shalay go’aamisay in macalimiinta aynan shaqa joojin sameyn karin.
Sido kale guddiga adeegga macalimiinta ee TSC ayaa isna lagu amray inuunan ku sii tallaaba qaadin nidaamka uu ugu yaraan 3000 oo maamulayaal ah uga wareejinayo xarumihii ay horay uga howlgeli jireen.
Guddiga TSC ayaa macalimiinta iyo ardayda ugu baaqay inay iska xaadiriyaan dugsiyada si howlaha waxbarasho ay si toos ah ugu billowdaan taasi oo ay ku taageertay Amina Maxamad.
Ururka qaran ee macalimiinta ee KNUT iyo guddiga TSC oo aanan weli ku heshiinin arrimo dhowr ah ayay maxkamaddu ku amartay inay isugu tagaan miiska wada hadalka.
Guddoomiyaha guddiga adeegga macaliminta ee TSC Mrs .Lydia Nzomo ayaa maamulayaasha dugsiyada ugu baaqday inay xaqiijiyaan inaan la carqaladeynin howlaha waxbarashada.
Waxay carrabka ku dhufatay in loo baahanyahay in la isku dheeli tiro xuquuqda macalimiinta, ardayda , waalidiinta iyo guddiyada TSC ay ka midka tahay.
Garsoore Byram Ongaya ayaa TSC ka dalbaday inay tixgeliso cabashooyinka maamulayaasha la doonayo inay loo wareejiyo xarumo waxbarasho oo ku yaallo degaano kale.
Waxaa maanta kulan yeelanaya mas’uuliyiinta guddiga adeegga macalimiinta ee TSC, ururka qaran ee KNUT iyo wasaaradda shaqaalaha si loo xalliyo ismari waaga taagan.
Dhanka kale qaar ka mid ah waalidiinta dalka oo walaac ka muujinaya isqabqabsiga jira ayaa baaq u diray dowladda

Agaasime ku xigeenka guddiga adeegga macalimiinta ee TSC laanta Wajeer Mr Moses Obiayo ayaa xaqiijiye in dugsiyada la furay waxbarashaduna ay si caadi ah u socoto.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *