Kulanka golaha wasiirada maamulka Jubaland oo looga hadlay arimo dhowr ah.

Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Golaha Wasiirada Jubbaland,waxaana shir gudodomiyey Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Maxamed Islaam(Madoobe)
Qodobada Maanta looga hadlay kulankaasi waxaa ka mid ahaa xoojinta ammaanka deegaanada xorta ah iyo howl-gallada qeybtoodii hore ay bilowdeen ee lagu doonayo in gobalka Jubbada dhaxe looga saaro xoogga AL-shaab oo ay gacanta ku hayaan xooggaga Al-Shabaab.
Kulanka Golaha Wasiirada Jubbaland ee Maanta ayaa waxaa warbixino looga dhagaystay qaar kamid ah Wasaaradaha maamulkaas sida Wasaaradda Macdanta,Biyaha iyo Tamarta iyo Wasaaradda Arimaha gudaha.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *