Maamulka NTSA oo shirkadaha qaar ka mamnuucay safarrada habeenkii

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka ee NTSA ayaa qaar ka mid ah shirkadaha baabuurta dalka kala laabtay leesimada ay ku shaqeynayeen xilliyada habeenkii iyagoo loo diiday inay wakhtiyadaasi safraan.
Shirkadahan ayaa lagu eedeyay inay ku xadgudbeen shuruucda waddooyinkii xilligii loo dabaaldegayay feestada Christmas iyo sannadka cusub ee 2019-ka.
Maamulka NTSA ayaa sheegay in 30-kii bishii Disembar ee sannadkii hore uu diiwaangeliyay kiisas dhimasho oo gaaraya 3,146 oo ka dhashay shilalka waddooyinka marka la barbardhigo 2017-kii oo tiradaasi aya ahayd 2,875 .
Sido kale warbixinta maamulkan ayaa muujineysa inay dhinteen 1,201 oo qof oo ah dadka waddooyinka gudbayay ama hareeraha jidadka socday

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *