Abaanduulaha booliska oo soo magacaabay taliyayaasha booliska ee gobolada

Abaanduulaha booliska Mr. Joseph Boinnet ayaa soo magacaabay taliyayaasha booliska ee 8-da gobol ee wadanka.
Tallaabadan ayaa noqonaysa midii ugu horeysay ee dhanka isku shaandheynta ee lagu sameeyo booliska tan iyo bishii sagalaad ee sannadkii hore.
Mr. Boinnet ayaa Mr Rashid Yakub u magacaabay taliyaha booliska ee gobolka galbeed ee Kenya, , Mr Philip Ndolo (Nairobi), Ms Judy Lamet (Central ama bartamaha dalka ), Mr Edward Mwamburi (Rift Valley), Mr Vincent Makokha (Nyanza), Mr Marcus Ochola gobolka xeebta, Ms Eunice Kihiko gobolka bari iyo Mr Paul Soi oo loo magacaabay taliyaha booliska ee gobolka waqooyi bari.
Mr. Boinnet ayaa sheegay in saraakiishii xilalkaasi hayay ee ka tirsan booliska caadiga iyo kuwa maamulka qaabilsan ee loo yaqaano AP-da dib loogu yeeray si xilal kale ay uga qabtaan waaxda qaran ee adeegga booliska.
Abaanduulaha booliska ayaa carrabka ku dhuftay inuunan jiri doonin sarkaal gobolkii uu ka shaqeynayay laga soo wareejiyay oo shaqa la’aan ay ku dhici doonto.
Sido kale Mr. Boinnet ayaa hoosta ka xariiqay in taliyayaasha cusub ee gobolada ee la magacaabay ay maamuli doonaan dhammaan howlaha booliska iyo isku dubaridka arrimaha amniga.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *