Agaasimaha dacwad soo oogidda oo doonayo in 22 sano la xiro eedeysane lala xariiriyay daroogada

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa maxkamadda ka codsaday inaynan damiin lacageed ku siidaynin eedeysane lagu magacaabo Axmad Saciid Bakari.
Ninkan ayaa loo haystaa inuu waddanka soo geliyay nooc ka mid ah daroogada oo qiimo ahan lagu qiyaasay 30 milyan oo shilin.
Nuurdiin Xaaji ayaa doonaya in Mr. Axmad la xiro muddo 22 sano ah.
Arrintan ayaa timid kadib markii eedeysanaha uu racfaan ka qaatay xabsiga lagu xukumay iyo ganaax lacageed oo dhan 8 milyan oo la saaray.
Agaasimaha dacwad soo oogidda oo uu matalayo qareen lagu magacaabo Jami Yamina ayaa ku doodaya in Mr. Axmad hadii damiin lacageed lagu daayo ay suurtagal tahay inuu baxsado.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *