Gudoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya oo u hanbalyeey gudoonka cusub ee Baarlamaanka Puntland.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa u hambalyeeyay C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamanka maamulka Puntland.
Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa Guddoomiyaha cusub ee baarlamanaaka Puntland u rajeeyay guul, wuxuuna Alle kaga baryay inuu xilkiisa ku dhammaysto wanaag, isagoo ugu baaqay inuu ka shaqeeyo sidii uu isugu dumi lahaa Dadka uu matalo ee ku nool deegaanada maamulkaaso.
C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) ayaa helay codad gaaraya 43, halka murashixii la tartamayay ee Cabdi Jamaal Cusmaan Maxamed uu helay 23 Cod, waxaana imminka socda doorashada ku xigeennadiisa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *