Maraykanka oo u digay muwaadiniintiisa u safraya Shiinaha

Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka aya bayaan ay soo saartay muwaadiniinteeda u safraya wadanka Shiinaha u soo jeedisay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.
Waxaa qoraalkaasi qeyb ka ah in maamulada Shiinaha ay suurtagal tahay inay dhibateyaan shacabka Maraykanka ee halkaasi tagaya.
Digniintan ayaa ku soo aadeysa laba bilood un kadib markii laba qof oo u dhashay Canada lagu xiray Shiinaha.
In kastoo shacabka Maraykanka aanan lagula talinin inay dib u dhigaan ama aynan u safrin Shiinaha haddana waxaa lagu wargeliyay inay ciidamo boolis oo dheeraad ah ku suganyihiin gobolada Xinjiang iyo Tibet oo xukuumada Beijing ay go’aansatay inay maamul adag u adeegsato.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *