3 Qof oo loo Xiray Dilkii loo Gaystay Gudoomiye ku Xigeenkii hore Ismamaulka Kilifi

Saddex qof oo lala xariirinayo dilkii loo gaystay barasaabkii ku xigeenkii hore ismaamulka Kilifi Keneth Kamato ayaa laamaha ammaanka ay gacanta ku dhigeen Sida laga soo xigtay Agaasimaha Waaxda Baarista Dambiyada (DCI) Jospeh Ng’ang’a .

Tuhmanayaashani ayaa lagu qabtay aagga lagu magacaabo Kisumu Ndogo ee  Nyali, gobolka xeebta ee dalka..

3 shaqsi ee gacanta lagu dhigay ayaa waxaa laga shakiyay taleefoonadooda iyadoona la rumaysanyahay in taleefoonadaasi ay ka qaateen guriga gudoomiye ku xigeenkii hore ee Kilifi kadib marki ay dilka fuliyeen.

Saddexdani tuhmane ayaa la hor keenay maxkamad Shanzu oo ay garsoore ka tahay Diana Mochache.

Diana ayaa ku amartay ciidamada booliska in shaqsiyaadkaasi ay ku sii hayaan xabsiga inta laga soo gabagabeeynayo baaritaanadooda.

Maalin Arbaco 12-kii bishii Dec ee sanadkii tagay 2018-kii ayay ahayd marki dablay hubaysan oo aanan heybtooda la garan ay weerar ka fuliyeen gurika uu degenaa gudoomiye ku xigeenka hore Kilifi Keneth Kamato.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *