Dhageyso :- Somaliland oo soo Bandhigtay Ciidan ka soo Goostay Puntland

Maamulka Somaliland ayaa gobolka Sanaag ku soo bandhigay ciidamo iyo gaadiid dagaal oo ay sheegeen in ay ka soo goosteen Maamulka Puntland.

Ciidankan ka goostay Puntland ee ku biiray Somaliland ayaa horay uga goostay Maamulka Somaliland iyaga oo ku biiray sarkaal horay uga goostay maamulka Muuse Biixi oo ku sugan Magaalada Qardho.

Sarkaalka ciidanka horkacayay oo lagu magacaabo Jabriil Maxamed Ducaale ayaa warbaahinta kula hadlay gobolka Sanaag, waxa uuna sharaxaad ka bixiyay sababaha ay uga soo baxeen Puntland.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *