Cunug yar oo 14  biliood jirta oo dunida kayaabsatay.

Sida ay qortay jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda canugtan yar ee xariif ka ah ayaa ku socota taariyadda korontada ku shaqeeya ee loo yaqaanno  Electric Scooters ee caruurta loogu talogalay muddo bil ah, canugtan yar ayaa si aad ah u muujisay awoodeeda iyo sida ay u ilaalineyso dheellirnaanteeda si aaney uga dhicin.

Naasnuuggan yar ayaan wax welwel ah aanuu ku jirin halka ilmaha la filka ah ay dadaal badan ku bixiyaan sidii ay lugadooda ugu istaagi lahaayeen si dabiici ah oo socodka adkeyntiisa ay ku jiraan.

Hooyada canugtan yar dhashay ayaa sheegtay in canugteeda yar oo ku nool magaalada Kiyaanjiyan ay socodka bilowday bisheedii 10aad, waxeyna si aad ah u xiisaysaa waxwalba oo dhaqaaqa u fududayn kara.

 

Hooyada canugtan yar oo la yiraahdo Anga Uu, ayaa hadalkeeda sii raacisay, in shaqsiyadda gabadheeda ay ku aragtay iney tahay geesiyad jecel iney marwalba dibadda u baxdo.

Waxey tilmaantay iney u soo iibisay taayirada socodka ee korontada ku shaqeeya oo laga soo siiyay 23 dolar oo ay u soo iibsay gabadheeda kale ee 5sano jir ah, laakiin naasnuuggan yar ayaa inta badan ku ciyaarta oo isticmaasha.

Marwalba oo ay dareento in hooyadeed ama ayaydeed iney dibadda u socdaan waxey horey ula soo boodaysa taayiradda si ay dibadda ugu ciyaarto, iyadoo ay layaab ku noqoneyso qof kasta oo arkay ilmahan yar ee naasnuugga ah ee hadana taariyadan si xirfad leu soconaya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *