Musharaxiinta Puntland oo maanta khudbadaha jeedinaya.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada maamulka Puntland ayaa maanta bilaabaya dhageysiga Khudbaddaha ay jeedinayaan musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland.
Guddiga qaban qaabada doorashada Puntland ayaa sheegay inay diiwaan-geliyeen 21 murashax oo doonaya inay loolan u galaan xilka madaxweynaha iyo 11 murashax oo iyaguna u taagan madaxweyne ku xigeen,kuwaasoo dhamaantood buuxiyay shuruudaha ku cad habraaca doorashada ee Dastuurka maamulka Puntland loo cuskaday.
Talaadada berri ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 8 bishaan ayaa lagu waddaa in magaalada Garowe ee caasimada Maamulka Puntland ay ka dhacdo doorashadda Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo hada loogu jiro diyaar garowgii ugu danbeeyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *