Ururka caafimaadka dalka KMA oo cabasho ka muujiyay dhaqaatiirka Cuba

Xukuumadda dalka ayaa beenisay eedeymaha ay soo saareen Ururka Caafimaadka ee Kenya (KMA) ee ku aadan in dhakhaatiirta Cuban ay ku soo daabulaan qaybo kala duwan ee dalka si ay u bixiyaan daaweyn takhasus ah..
Xoghayaha Agaasimaha Caafimaadka Peter Tum iyo Agaasimaha Adeegyada Caafimaadka Jackson Kioko ayaa sheegay in 100ka dhakhaatiirta Cuban ay buuxiyeen shuruudaha loo baahnaa si ay ugu adeegaan Kenyaanka.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in ay ku qancsanyihiin sida ay u shaqeynayaan dhaqaatiirta laga keenay dalka Cuba si ay u saacideeyaan Kenyaanka u baahan daryeelka caafimaadka.
Dowladda dalka ayaa sheegtay in ay baaritaano ku sameyn doonaan cabashada ay muujinayaan Ururka Caafimaadka ee Kenya (KMA)
Maalintii sabtida ayay ahayd markii ururka KMA ay soo saareen walaac ku saabsan awoodda dhaqaatiirta Cuba, iyagoo sheegay in shahaadooyinkooda aysan cadeyn.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *