Wakiilka haweenka Samburu oo waalidiinta ugu baaqday in ay iibiyaan xoolaha si ay carruurtoda uga bixiyaan feeska iskuulka

Wakiilka haweenka ee aqalka baarlamaanka ismamaulka Samburu Maison Leshoomo ayaa ugu baaqday waalidiinta ku nool ismaamulkaasi in ay iibayaan xoolaha u jooga gurika si ay carruurtooda uga bixiyaan lacagaha feeska.
Waxaa ay sheegtay haweenaydaasi in in dadka deegaanka ay qiimeeyaan xoolaha waxaa ayna ka doorbidaan caruurtooda waxbarashada ku jiraa.
Maison Leshoomo ayaa carabka ku dhufatay in waxbarashada ay ka faa’ido badan tahay xoolaha la dhaqdo.
Hadalkan ayay jeedisay xili ay ku sugneyd xaflad loogu wareejinayay lacago qaar ka mid ah ardayda aan lacagaha iskuulka iska bixin karin.
Sido kale maamulayaasha iskuulada ayay ka codsatay in ardayda aysan guriyaha u dirin hadii ay awoodi waayaan in ay iska bixiyaan feeska.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *